Uur qaadid

Si uur loo qaado waxaa loo baahan yahay ugxaan, shahwo iyo waqtiyeen. Ayadoon la eegeyn in uureysiga uu ku dhacay galmo ayadoo la adeegsanayo xubinta taranka raga iyo xubinta taranka dumarka ama ayadoo la adeegsanayo bacrimin la caawiyey.Caadooyinka nolosha oo wanagsan waxay waxtar u leeyihiin rimida/bacrimida.

UKUMAHA

Dumarku waxay la dhalataa qiyaas ahaan hal milyan oo ugxaan ah.Lakiin qeeb aad u yar oo kuwan ka mid ah ayaa u qaangaaro ugxaan la bacrimin karo, inta kale weey baaba’ayaan.

Hoos udhaca ukumaha/gaabiska wuxuu u dhacaa si tartiib ah asagoo ka bilaabanayo da’ada 25. Wuuna ka madaxbanaanyahay wareega caadada, isticmaalka ka hortaga uurka iyo urarka.Si kastaba ha ahaatee, cabitaanka sigaar ma dardargalinayo hoos u dhaca/gaabiska ukumaha.

Kadib da’ada 25 ukumaha waxaa la qiyaasayaa ineey aad u yaraanayaan sidookale waxaa sharci ah in tayadana xumaaneyso. Ugxaantana sidi hore ee joogtada aheyd uma imaanayaan.Marba hadii eysan jirin wax ugxaan ah oo dheeraad ah waxaa dhacayo dhalmo baxa.Da’ada dhexdhexaadka ee dhalmo baxa waa 52.

SHAHWADA

Qof leh xininyo caafimaad qabaan sida caadiga ah wuxuu soo saarayaa in kudhow 300 oo milyan oo shahwo cusub 24 saac oo kasto. Hal biyo bax kasto wuxuu wadi karaa boqolaal shahwo.

Shahwada waxay ka sameysmata xininyaha xiliga qaan gaarka , waxaana la soo saaro inta qofka uu noolyahay. Waxay qaadaneysaa 10 isbuuc iney sameysmato oo ey noqoto shahwo qaangaar ah.cabistaSigaar, qamrada iyo daroogada, misaanka oo xadkisa dhaafo, daawada, heerkulka oo kor u kaco iyo arrimaha bey’ada waxay faragalin ku sameen karaan tirada iyo tayada shahwada.

BACMIRINTA

Bacriminta ee gudaha qofka dhadiha ah waxay ka dhacdaa tuubada fallopianka halkaas oo ukumaha iyo shahwada ku kulmaan eyna isku dhex galaan.Waxay qaadaneysaa in ku dhow hal isbuuc in ugxaanta la bacrimiyey eey gaarto minka halkasoo eey ku sameysmeyso kuna bilaabeyso iney korto.

Ukumaha waxay bacrimayaan 24 saacadood, sidoo shahwada waxaay ku noolaan karaan tuubada fallopianka ama minka mudo gaareyso 5 malmood.Marka waxaa jireyso fursad ah in ugxaan la bacrimiyo hadii shahwada eey gaarto minka/tuubada fallopian 5 malmood ka hor inta ugxaanta soo bixin.

WAREEGA CAADADA

Ereyga Menstruation waa Latin wuxuu micnihiisu yahaybil. Wareega caadada istabadan waa 28 malmood (in ku dhow 21-35) laga soo bilaabo malinka ugu horeyso ee caadada.Dheerarka wareega caadada wuu ku kala duwanyahay habeenka iyo heerarka kala duwan ee nolosha.Soo saarista ugxaanta waxay dhacdaa 14 malmood ka hor inta caadada ku xigto eeysan dhicin.

Xiliga ugxaan lasoo saarayo, ugxaan qaangaar ah ayuu soo saaraya minka waxaana soo qaadayo tuubada fallopianka , waxayna si tartartiib ah uguso soconayaan tuubada fallopianka ayagoo imaanayaan ilmo galeenka. Maalmaha wareega caadada ee galmo lasameeyo eey sababto uur waxaa la dhahaa daaqada bacriminta.Hadii ukumaha anan la bacriminin haweeneyda waxay bilaabeysaa caadada mudo ku dhow 14 malmood ugxaanta ka dib. Dhiig baxan wuxuu soconayaa 3 ilaa iyo 6 bari. Hadii caadada eey tahay midaanan toos aheyn waxaa adkaaneyso in la ogaado “xilliga bacriminta”.

Tusaale: hadii wareega caadada uu yahay 28 maalmood, soo saarista ugxaanta waxay dhaceysaa maalinka 14naad. If wareega caadada ay tahay 31 days, soo saarka ugxaanta waxay dhacaysaa maalinka 17naad. Hadii eey ka yaraato, tusaale 25 maalmood, soo saarka ugxaanta waxay dhici karta maalinka 11naad IWM,

MENSTRUAL CYCLE

« dib u noqo kan ku xiga »