Bacmirinta iyo caafimaadka

Da´da, caafimaadka iyo qaab-nololeedka waxay muhiim u yihiin bacmirinta. Bacmirinta hoos bay u dhacaysaa markii ay da´da weynaato, sidaas darted waxbadan hasugin haddii aad rabtid inaad caruur dhashid. Qaab nololeedka waa sahal, sababtoo ah adiga baa bedeli kara. Jooji sigaarka cabidiisa, miisaanka jirkaaga mid caafimaad leh ha noqdo, cunto nafaqo leh, iska ilaali aalkolada iyo maandooriyaha, La hadal dhaqtarkaaga, haddii aad xanuunsanaysid oo aad daawooyin qaadatid.

« dib u noqo kan ku xiga »