Muhiimada da’ada

Da’da waxay ka ciyaareysaa door qiimo leh bacrimida/rimida. Awooda dhalida ee qofka dumarka ah waxay hoos ugu dhacdaa si xoowli ah marka loo barbar dhigo awooda dhalista raga.Bacriminta waxay heerkeeda ugu sareeyo joogtaa dumarka inta u dhaxeyso 20-25 sano jir.Sida xisaabaha hoos ku xusan eey sheegayaan macquul galnimada in la uureysto xiligaas waa 30-35 boqolkiiba hadii galmo eey dhacdo ayaado lala xiriirinayo xili ugxaanta. Da’ada 35 jir awoodo in la qaado waxay hoos u dhacday 12% boqolkiiba sidoo kale da’da 45 jir waxaa dhacdo boqolkiiba hal iney uur yeelato xiliga wareega caadada.

Sawirka waxuu ku salaysan yahay xisaabinta tarmida dumarka da´da yar, waxaa lagala soo qaatay buugga Schmidt et al. (asalka waxaa laga soo taatay Larsen iyo Yan, 2000)

Inkastoo marxalada da’ad eey ka ciyaareyso kaalin muhiim ah marka la eego awooda qofka dumarka ah in ey uur yeelato hadana dadka badan ayaa waxay door bidaan in caarur dhalaan xili danbe.Waxaa qeybada oo ka mid ah xujada nolosha oo u baahan in laisu keeno.Inaad dareento inaad diyaartahay iyo inaad heshid lamaane diyaar u ah inuu kula qeybsado waajibaadka waalidnimada ayaa waxay dad badan u qeexaan arin aad muhiim u ah, sidoo kale inaad waxbarashada bogtid oo aad shaqeysatid.Xiligan la joogo da’ada dhexdhexaadka ee dumarka cunugooda koowaad dhalo waa 29 jir wadanka Sweden.

Dad badan ayaa waxay qadariyaan suurto galnimada bacrimin la caawiyey.Da’ada 42 jir fursada inaad uur qaado adigoo adeegsanayo bacrimin la caawiyey waa 5-10% daaweyn kasto.

Da’ada weyn micnaheeda waxaa weeyaan ukumo yar iyo tayo aad u xun ukumaha iyo shahwada labadaba, tasoo ka dhigeyso bacriminta mid aad u adag , natiijadana ka dhigeyso mid cawaaqib xumo u keento korista cunuga. Hadii haweeneydu eey jirto 35 ama eyba ka weentahay qatarka ineey dhibaatoyin imaadan xiliga uurka iyo dhalmada weey kordheysaa, sida dilan, dhicisoow, dhiig kar iyo xaalad dagdag oo qaliin ah.

« dib u noqo kan ku xiga »