Cuntada iyo jimicsiga

Apple

Ma heshaa qudrada aad u baahantahay? Nafaqo kala duwan waxay ka caawineysaa inay kaa daboosho baahidada ah qudrad muhiim ah.

Hadii dumar ahaan aad qaadato cuno dheeli tiran ka hor inta aadan uurka yeelanin waxaad heysataa nafaqadii aad u baadneyd si aad u koriso cunugaga laga soo bilaabo uureysiga iyo wixi kasii danbeeyo. Xubnaha cunug waxay abuurmayaan 12 isbuuc ee ugu horeeyo ee uurka, xiligan nafaqadada/deeftada waa muhiim. Si joogto ah wax u cun, cuno dheeli tiran oo midho wanaagsan iyo qudrad leh. Xiligan uurka jirka wuxuu u baahanyahay nafaqo badan lakiin uma baahno tamar.

Xiligaan hada la joogo ma jiraan cadeen nagu filan oo talo bixiyo nafaqo gaar ah or nafaqooyin dheeraad ah oo kor u qaadayo bacriminta dumarka ama raga. Labo waxyaalood oo waxyeelen karo tayada shahwada are Folate, aysiidh iyo Zinc. Si kastaba ha ahaatee natiijoonka cilmi barista ma jaan goyn cad, Folate waxaa laga helaa caleemaha qudrad, dhigaraha, waxsoo saarka haruurka iyo canabyo kala duwan, folate waxaa lagasoo gadankaraa pharmacy asagoo kanini ah, zinc meelaha ugu wanaagsan ee laga helo waa hilibka, cunooyinka bada, caanaha iyo haruurka.

Folate/folayk aysiidh waxaa loogu baahanyahay si korista nerfayayaasha cunuga si caadi ah. In laga waayo kanin folate/folayk waxa wax caadi iska dumarka wax bacriminkaro waxayna kor u qaadeysaa Qatar cudurka meningomyelocele ee cunuga.

Dumarka waxaa lagula talinayaa iney bilaabaan qaadashada folic acid ugu yaraan hal bil ka hor inta eysan qorsheysan iney uur yeeshaan ama ey joojiyaan ka hortaga uurka. Wad qaadashada folic acid ila 12 isbuuc oo uurka lasoo gudbo. hadiiaad qaadato 400 gms oo folic maalinkasto, hadii laga soo tago cuno isu dheeli tiran, waxaad ka heleysaa inti aad u baahney folic acid ah oo cunuga uu rabay.

Kafeenka (Caffeine) inta badan waxaa laga heli karaa qaxwaxa lakin cabitaanada kalana wax yar.Qaadashada kafeynka, 5 koob oo qaxwe ah ama in ka badan malinki waxay yareysaacan bacriminta.Waxay kaloo xarir la leedahay qaadashayda kafeynka waxay kor u qaadeysaa qatarta dilanka qeybaha hore ee uurka.Sidaas aawgeed dumar doonayo ineey uur yeeshaan waxaa lagula talinayaa iney kor u qaadaan qaadashadooda kafeynka in anan ka badneyn 300 mgs malinkiiba. Taaso u dhiganto 3 koob qaxwe ah.(1.5 dl halki marba) or 6 koob shah rinji (2 dl markiba) malinkasto.

Ma dooneysaa wax badan inaad ka ogaato cuntada iyo uurka? Wixi dheeraad ka akhri. Livsmedelsverket.se

Jimicsi joogto ah iyo inaad ilaaliso miisaan caafimaad leh waa qaab wanaagsan oo aad u ahaaneyso mid caafimaad qabo lakiin waxaa muhiim ah hadaad rabto inaad jirkaada u diyaariso uur.Jirkada waa inuu leeyahay misaan caadi ah iyo quwad uu awoodi karo uurka iyo dhalmada si fudud.

Jimicso ugu yaraan 30 daqiiqo malin kasto si aad u caafimaad qabtid oo aad misamkada aad u ilaalisid.Misaankada oo xad dhaf noqodo ama misaankada oo hoos u dhaco wuxuu kugu keen wareega caadada oo wareerta, waxayna adkeyneysaa inaad uur qaadid.Waxaa kaloo ka mid ah dumarka miisaankooda culus waxaa kor u kacayo qatardoo sonkor/macaanka uurka.Taaso sii sababi karto Qatar ah cunug waxsi ka yihiin dhasho ama dhibto.Misaanka culus xiliga uurka ee durmarka wuxuu kor u qaadi karaa qatarta dilanka, dhiciska iyo dhalmada oo dhibaato yeelayo. Misaanka culuska polycystic ovary syndrome(PCOS). 5% Dhimis misaanka wuxuu keenayaa caadiyeen/ soo laabashada ugxaanta.

Culeyska ninka wuxuu saameyn karaa sidoo kale bacriminta. Cayilka wuxuu sababaa in tayada shahwada sii yaraato halka waxqabadka dhexdhexaadka ah keeno in tayada shahwada fiicnaato.

Cabbirka Dhexda iyo Cullaabta Jirka (BMI) waa tilmaamayaal inuu ama in uusan miisaankaagu ahayn mid jooga heerka caafimaadqabka. Raga waa inay lahaadaan dhex ka yara 94 cm ka hoose dumarkana 80 cm ka hoose. Dumarka (ka wayn 18 jirka) waa inay isku dayaan inay ku xakameeyaan BMI caadi ah (19-25) si ay sarre ugu qaadaan caafimaadkooda, iyagoo eegeeyn inay rabaan uur inay qaadaan.

XISAABI BMI-GAAGA

BMI =

« dib u noqo kan ku xiga »