Cudurada galmada lagu kala qaado

Cudurada galmada lagu kala qaado ayaa noqonaya kuwo sii kordhaya, waxayna saameyn karaan bacrimintaada.

Kalaamiidiya waa cudur caan ah oo waxyeello u geysan kara marinka dumarka iyo sidoo kale tuubbada shahwada ragga. Qiyaas ahaan, bar kamid ah dadka qaba kalamiidiya ma laha astaamo. Jabtada, isfiilitada iyo burada xubinta taranka waxay sidoo kale keeni karaan madhalaysnimo iyo/ama inay saameyn xun ku yeeshaan uurka.

Ka taxadar bacrinta adiga iyo lamaanahaaaga idinkoo is ilaalinaya. Iska baarida cudurada galmada lagu kala qaado waa bilaash.

Ma rabtaa inaad wax dheeraad ah ka ogaato cudurada galmada lagu kala qaado? Ka akhri wax badan 1177.se, UMO.se ama  folkhalsomyndigheten.se

« dib u noqo kan ku xiga »