Caafimaad iyo bey’ada

Caafimaadka jirka iyo maskaxda waa eey waxyeeleen karaan Bacriminta/riminta iyo Uurka siyaabo badan. Dadka qabo dhibaatoyinka waaweyn sida sonkorta/macaanka, dhiig karka, qanjirahana cilad ka qabo qalal .qorsheynya taranka noloshaaad ayuu muhiin ugu yahay maadaaha caqabadaha iyo daawooyinkoodaba eey wax u dhimi karaan dhalmada/riminta iyo Uurka.

Kimikooyinka shucaaac iyo waxyaabaha bey’ada eey keento ayaa waxyeelen karo rimista/bacriminta, qatarta dilanka iyo korista cunuga.Dareeraha dabiiciga ah, macdanta culus, suntan cayayaanka ama shucaacyo badan oo kala duwan waxay sababi karaan dilan iyo inu cunuga dhasho asagoo dhameystirneyn.Dumarka uurka leh ama qorsheynayo iney uur qaadaan waxaa lagula talinayaa ineysan la shaqeynin ama ineysan yeealan ciyaaraha firaqaada kuwaasoo u fududeynayo dareerayaasha dabiiciga ah. Macdanta culus sida leadka iyo cadnmiumka, qaar ka mid ah shucaacyada (iftiinka UV iyo raajada) iyo qaar ka mid ah kimikaalada warshadaha, Maamulka shaqada deegaanka ee Sweden ayaa wuxuu u sameeyey xad anan la dhaafin karin maadaama qatar weeyn u geysanayo caruurta dhalaneyso.

Isicmaalida daawooyinka waxay Qatar u leedahay korista cunuga, qaar ka mid ah xanuun baabi’yayaal (NSAID drugs) oo loo qaato mandhicir xanuunka eey keento caadada, ayaa waxaa laga yaabaa iney kordhiso dilanka ama wadna xanuun ku yimaado cunuga caloosha ku jiro.

Daawooyinka xoojiyo waxqabadka waxay qas ku keenan wareega caadada, waxay liidan shaqada shahwada, waxayna sababaan awooda kacsiga oo shaqeyn weeyso. Waxyeelada dawooyinka xoojiyo waxqabadka waxay socotaa mudo sanado ah gaar ahaana dumarka maadama qataraha mustaqbalka fog ee madhaleysnimada ey ka muuqato in ka badan raga.

Iska eeg waxyaabaha kugu fool leh oo Qatarna ku noqonkaro uurka. La tasho dhaqtarkaaga iyo umulisada hadaan hubin daawooyinka aad qaadaneyso. Ha qaadanin daawooyinka la qoro adigoon la tashan dhaqtarkaaga.

Ma dooneysaa wax badan inaad ka ogaatid kimikaaliska iyo waxyaabaha bey’ada kuwaaso waxyeeleeyo bacrimida iyo korista cunuga. Wax dheeraad ka aqri halkan. arbetsmiljöverket.se

« dib u noqo kan ku xiga »