Haa, sanad gudihiisa

Haa, sanad gudihiisa

Haddii aad tahay qof dumar ah xusuusnoow, inaad:

  • Ka dheeraato cayilka iyo caatada labadaba
  • Qaado nacfiga dheeraadka ah ee foolik aaysidh maalin kasta, ugu yaraan hal bil kahor inta aad uurka qaadin
  • Ka dheeraato aalkolo iyo daroogada
  • Ka dheeraato niikotiin, sigaar-cabbista iyo sidoo kale isticmaalka budada tubaakada
  • Daawadaada dhakhtarkaaga iyo adiga wada eega
  • Daawada laguu soo qoro ka baar inay ku jiraan waxyaalo halis kuu noqon kara
  • Kordhi aqoontaada uur-qaadista iyo wax ka baro waqtiga caadada
  • Haddii aad rabtid inaad uur qaadid, galmo samee maalin kasto ama maalin kasto waqtga ay caadada kuu iman

 

Haddii aad tahay nin, xusuusnow inaad:

  • Ka dheeraato cayilka
  • Ka dheeraato aalkoloda iyo daroogada
  • Ka dheeraato nikotiin, sigaar-cabbista iyo sidoo kale isticmaalka budada tubaakada.
  • La fiiriso daawooyinkaaga dhakhtarka
  • Fiiriso walxaha khatarta noqon kara aad baylahda u tahay
  • Cilmi kororsi ku saabsan uur qaadista iyo wareega caadada samaysaa
  • Marka aad doonayso inaad uur qaado, samee galmo maalin kasta iyo maalmaha ka horeeya xilliga ugxaan daadista lammaanahaaga

Hadaad ku nooshahay xiriir ka dhaxeeyo labo qof isku jinsi ah, la xiriir golayaasha gobolka wixii macluumaad ah ee ku saabsan ikhtiyaaraadka aad heli karto meesha aad ku nooshahay.

La xiriir daryeelka caafimaadka si loo baaro inaad isku dayday inaad uur qaado balse aad ku guulaysan wayday. Golayaasha gobolka waxay leeyihiin shuruuc kala duwan; golayaasha gobolka qaarkood waxaa laga yaabaa inaad isku dayday inaad uur qaado muddo lix billood ah, kuwa kale waxaa laga yaabaa inaad isku dayaday illaa hal sanno. La xiriir daryeelka caafimaadka deegaankaaga xilli hore hadaad ka weyntahay 35 jir ama haddii sababo kal gedisan u taqaano inaad uur ku qaadi wayday shaqsi ahaan.

Ku laabo bilowga