Hadda maya, dabcan mar kale

Hadda maya, dabcan mar kale

Ma aha qof walba inuu muuqaal toos ah ka haysto waxa mustaqbalka uu noqon doono. Waxaa jiro qaybo u baahan in la isku keeno xiraalaha noolasha waxayna noqon kartaa mid adag in aad ilmo dhali doonto. Uma baahnid inaad haysato qorshe tafatiran, balse ku qaado daqiiqad ama labo inaad kaga fikirto waxa kuu muhiim ah.

• Waa maxay fikirka aad ka qabto carruurta?
• Waa maxay faa’idooyinka dhalida caruur? Waa maxay faa’iido darada caruur la’aanta?
• Sidee u qorsheysay inaad kaga hortagto uur qaadista ka hor illaa aad ka hubto?
• Qaybtee baa ka mid ah xiraalaha noolashaada oo saameeya qorshaha taranka noolashaada.

Ma doonaysaa inaad sare u qaado fursadaada ilmo dhalida xilli mustaqbalka kamid ah? Waxaad haddaba maanka ku haysaa:
• Si aad iskaga ilaaliso cudurada galmada
• Si fiican u dhowr caadooyinka noolashaada waxaadna isku daydaa inaad miisaan dhexdhexaad ah ahaato
• Dib u eeg inay jiraan iyo in kale xaalado noolashaada iyo deegaankashaqadaada kuwaaso ku yeelan kara saameyn weyn bacrimintaada.

Waxaa jiro waxyaabo muhiim inaad xasuusato ah hadduu xilliga yimaado:
• Isbeddelada qaab nololeedka qaar wakhti ayay qaataan. Ha sugin inuu baaritaanka uurka noqdo haa – wanaaji qaab noolaleedkaaga inta aad go’aansan inaad uur qaado/carruur yeelato.
• Dumarka: Bilow qaadashada nacfiga dheeraadka ah ee foolik aaysidh ka hor hal bil inta aad bilaabin inaad uur qaado.

Ku laabo bilowga